Burburka wadada hal-bowlaha u ah magaalada Bosaso oo la dhisi doono (dhegayso)

HomeWararka

Burburka wadada hal-bowlaha u ah magaalada Bosaso oo la dhisi doono (dhegayso)

Guddiga dhismaha wadada bur bursan ee dhexmarta  bartamaha magaalada Bosaaso ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi doono dhismaha wadadaasi oo dayac xoog

Qaban qaabada Aaska Guddoomiyihii gobalka Banaadir oo socota
Xulashada Daljir iyo Axmed Xuseen Cabdulqaadir Sheekeeye (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (Dhegayso)
Guddiga dhismaha wadada bur bursan ee dhexmarta  bartamaha magaalada Bosaaso ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi doono dhismaha wadadaasi oo dayac xoogan uu ka muuqdo.
Wadadan burbursan oo hormarta dhismaha wayn ee shirkadda Golis ee Bosaso ilaa iyo afar irdood, ayaa horay loogu fashilmay in la dayactiro iyadoo gaadiidlayda ay dhibaato wayn ay ku qabaan, waxaana farriimo iyo barnaamijyo ka baxay radio Daljir ay qasabtay maamulkii hore ee degmada Bosaso iyo kan gobolka Bari inay ka shiraan oo ay isugu yeeraan shirkadaha ganacsiga ee bulshada, iyagoona balanqaaday in wax ay ka qabanayaan burburka baahsan ee laamiga hal bowlaha u ah magaalada ganacsiga Puntland ee Bosaso.
Guddiga ayaa sheegay in dhimaha wadadan ay ahayd in marhore la bilaabo balse ay ka soo dhexgashay arimo ay kamid ahaayeen bad badintii doontii ku soo caariday xeebta Bosaaso  iyo Gurmadkii Qaraxii Zoobe.
Guddiga ayaa sheegay in kulamo looga tashanayay qaabkii loo bilaabi laahaa dhismaha wadan ay usocden maalmahan Gudiga ,Maamulka Gobolka kan degmada , iyo Ganacsatada , waxaana la diyaariyay qalabkii iyo dhaqaalihii lagu dhisi lahaa wadadan oo dhawaan la shaacin doono xiliga labilaabi doono.
Haddaba Sheekh Maxamed Macalin , Waa Gudoomiyaga Gudiga dhismaha iyo dactirka wadadan dhexmarta Bosaso , Wariye Xasan Heykal ayuu uwaramay .
Hoos kadhegayso

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: