Gaari ku qarxay meel u dhow deegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho

Gaari ku qarxay meel u dhow deegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa soo sheegaya in gaari yar oo nuuca raaxada inuu ku qarxay deegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho, dhacdana wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Gaariga ayaa ku qarxay meel waddo ah oo ka baxsan wadada laamiga ee gaadiidka Shabeelada Hoose iyo Banaadir isaga kala gudba ay maraan, waxaana uu khasaare kasoo gaaray dadkii waday.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta oo baaritaano kalle duwan ku wada qarxan iyo bartilmaameedkiisa.

Deegaanka Siinka dheer horay ayaa waxaa qaraxyo loogu gaystay dhowr jeer ciidamo katirsan dowladda oo baara gaadiidka ka yimaada Shabeelada hoose ee galaya magaalada Muqdisho.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com