Qaban qaabada Aaska Guddoomiyihii gobalka Banaadir oo socota

HomeWararka

Qaban qaabada Aaska Guddoomiyihii gobalka Banaadir oo socota

Saalax Xasan Cumar Afhayeenka Gomulka Gobolka Banaadir ayaa faah-faahin ka bixiyay halka ay marayaan howlaha qaban-qaabada aaska Qaran ee Maanta la

XULASHADA DALJIR | XAAWO AXMED MAXAMED | GAROWE 18-SEPTEMBER-2022
Tirada dadka u dhintay Fayruska Corona oo korortay
Muxuu salka ku hayaa safarka Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee Dhuusamareeb? ( Akhriso)

Saalax Xasan Cumar Afhayeenka Gomulka Gobolka Banaadir ayaa faah-faahin ka bixiyay halka ay marayaan howlaha qaban-qaabada aaska Qaran ee Maanta lagu wado in Muqdisho loogu sameeyo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir oo dhowaan ku geeriyooday Magaalada Doxa ee Dalka Qatar.

“Run ahaantii Guddigu waxay soo qabteen howlo fara badan, iyadoo la marayo howlihii ugu dambeeyay iyo diyaar garoowgii ay Guddigu ku jireen, waxaana la filayaa in Marxuumka Meydkiisa lasoo gaarsiiyo Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Afhayeenku.

Waxaa uu sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Hay’addaha Ammaanka inta lagu guda jiro Aaska Qaran ee Marxum Yariisow

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa dhowaan Guddi ka kooban 14 Xubnood, isuguna jira Wasiirro, Wasiir ku xigeenno iyo maamulka Gobolka Banaadir u xil saaray aaska Qaran ee loo samaynayo Maanta Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Allaha u Naxariistee, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow).

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: