Somali maraykan lagu tuhmay Argagixiso oo xabsiga la dhigay

Somali maraykan lagu tuhmay Argagixiso oo xabsiga la dhigay

Maxamed Cabdi oo 46-jir ah ayaa waxaa bishii la soo dhafaay ee July 26-dii lagu qabtay magaalladda Nakuru oo ah magaalladda 4-aad ee ugu weyn dalkaasi, waxayna 153 KM dhanka W/Glabeed ka xigtaa caasimadda dalkaasi ee Nairobi.

Wargeyska The star, cadadkiisa maanta oo Sabti ayaa qoray in Eedeysanahaasi lagu tuhunsan yahay Argagixisenimo, isla markaana la soo taagay Maxkamadda magaalladda Eldoret ee Galbeedka Kenya, isla markaana ah magaalladda 5-aad ee ugu weyn dalkaasi.

Sarkaal ka tirsan Ka-hortagga Argagixisadda ee Boliska dalakasi oo lagu magacaabo William Ndunde ayaa ka codsaday Maxkamadda inay u oggolaadaan inay Eedeysanaha sii hayaan muddo 7 cisho ah, si ay u soo dhamaystiraan baaritaanadda Dacwadda loo haysto.

Sarkaalkaasi waxa uu u sheegay Xeer-beegtida Maxkamadda inay Eedeysanaha qabteen xilli uu sawiro ka qaadanayey Maxkamadda sababo la xiriira suurto-galnimadda dhaqdhaqaaqyo Argagixiso oo ka dhaca Deegaanka, waa sida uu hadalka u dhigay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com