Tirada dadka u dhintay Fayruska Corona oo korortay

HomeWararka

Tirada dadka u dhintay Fayruska Corona oo korortay

Tirada kiisaka dhimashada xanuunka Fayrus-ka Corona ee guud ahaan dalka Shiinaha ayaa kor u kacday Arbacada maanta ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta

Buuhoodle oo maanta laga furay Xafiiska Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha DFS (dhegayso)
Aqoonyahan Dhoolayare: ” Goodax Bare Shahaado uu qiimaynkaro oo Puntland ay leedahay majirto (dhegayso)
Madaxweyne Mustafe Muxumed Cagjar oo booqday Gobolka Qoraxay (Sawirro)

Tirada kiisaka dhimashada xanuunka Fayrus-ka Corona ee guud ahaan dalka Shiinaha ayaa kor u kacday Arbacada maanta ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka ee dalkaasi.

Kiisaska cusub ee laga helayo meelaha dibadda ka ah dhulka Shiinaha ayaa muujinaya sida uu sare ugu sii kacayo faafitaanka Fayrus-ka Corona.

Inkastoo xanuunka uu gaaray dalal kala duwan oo caalamka ah, ayaa ha’yadda WHO ee caafimaadka ee adduunka waxay sheegtay in faafitaanka Fayrus-ka Corona uusan gaarin heerka masiibada.

Ugu yaraaan 490 qof oo Shiinees ah ayaa u dhintay Fayrus-ka Corona tan iyo bishii December ee sanadkii hore, xiligaas oo xanuunka uu ka billowday magaalada bartamaha Shiinaha ku taalla ee WUHAN ee gobolka Hubei.

Tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka ayaa gaartay 24,000 oo ruux, 150 kamid ah bukaannada ayaa laga diiwaan-galiyay 23 dal oo kale oo caalamka ah.

Qofkii ugu horreeyay meel baxsan Shiinaha ugu dhinta xanuunka ayaa laga xaqiijiyay dalka Philippines.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: