Madaxwaynihii hore Suudaan Al-Bashiir oo la maxkamadaynayo

Madaxwaynihii hore Suudaan Al-Bashiir oo la maxkamadaynayo

Madaxwaynaha xukunka laga tuuray ee Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa wajahaya maxkamad todobaadka soo socda, isagoo loo haysto dacwado la xiriira musuqmaasuq, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi Suudaan.

Al-waleed Sayed Ahmed, ayaa sheegay arrintaasi maalinimadii Sabtidii, laba bilood kadib afgambigii militariga iyo xarigii Al-bashiir, xilli dibadbaxyo xukunkiisa soddonka sano jirsaday looga soo horjeeday.

Madaxwaynihii hore” waxaa uu lasoo taagayaa maxkamadda Isbuuca soo aadan, iyadoo ay la xiriirto musuqmaasuq iyo inuu haystay lacag ajnabi ah” ayuu yiri Axmed oo aan shaacin waqtiga rasmiga ee maxkamaydanta ay bilaabanayso.

Ilaa iyo 41- ka mid ah saraakiisha dowladda Suudaan ee xukuumaddii hore ayaa lagu hayaa baaritaano musuqmaasuq la xiriira.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com