Madaxwaynaha Zimbabwe oo maanta laga sugayo go’aanka mustaqbalkiisa

HomeWararka

Madaxwaynaha Zimbabwe oo maanta laga sugayo go’aanka mustaqbalkiisa

Madaxwaynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa laga sugyaa maanta inuu kasoo baxo go'aanka mustaqbalkiisa siyaasadeed iyadoona wadahadalo ay la leeyih

DARBIGII AQOONSIGA SOMALILAND OO KU DUMAY MAALMO KOOBAN & MURUQA SHACABKA
Qaybo kamid ah gobolada Puntland oo uu ka dilaacay Cudurka Shuban biyoodka( dhegayso)
Ururadda Bulshadda Rayidka ah oo khilaafka Madaxda sare ee dalka ka hadlay

Madaxwaynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa laga sugyaa maanta inuu kasoo baxo go’aanka mustaqbalkiisa siyaasadeed iyadoona wadahadalo ay la leeyihiin hogaanka militariga dalka la wareegay.

Hogaamiyeyaasha militariga ayaa isku dayaya inay ku qanciyaan Mr Mugabe inuu xilka baneeyo, iyadoo uu u hogaansamayo dalabka kasoo baxaya shacabka dalka ee dibad baxa ka dhanka ah Robert dhigayay shalay.

Xisbiga Zanun BF ee uu katirsan Mr Mugabe ayaa iyaguna dhankooda wada kulan ay ka yeelanayaan mustaqbalkiisa siyaaadeed iyagoona si’aad ah uga soo horjeeda isaga iyo xaaskiisa Grace inay dalka maamulaan ama ay iyada uga dambayso xilka.

Macadda talaabada uu qaadan doono Mr Mugabe oo 93-jir, kuna jira xabsi guri ay kusoo rogeen militariga la wareegay talada dalka.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: