Ururadda Bulshadda Rayidka ah oo khilaafka Madaxda sare ee dalka ka hadlay

Ururadda Bulshadda Rayidka ah oo khilaafka Madaxda sare ee dalka ka hadlay

Isutaga Urrurada bulshada rayidka soomaliyeed ayaa welwel ballaaran ka muujiyay khilaafka siyaasadeed ee dhinaca awoodaha sharciga ah, kaas oo soo kala dhex galey madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo sababi kara inuu saameyn ku yeesho dhinacayada degenaashaha amniga dalka, dhaqaalaha dalka iyo rajada dadka Soomaliyeed ay ka qabaan dowlidnimada.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Urrurada Bulshada Rayidka ayaa waxaa lagu sheegay in ay aad uga dun yihiin soo noqnoqashada khilaafyada siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda dalka iyo sida loo maareenayo oo shaki badan gelinaayo mas’uuliyada madaxda in xal dhab ah ka gaari karaan khilaafkooda.

Sidoo kale Bulshada Rayidka ayaa waxaa ay sheegeen inay aaminsan tihiin in isla xisaabtan la’aanta qaladaadka madaxda ee dhinaca sharciga dowlanimada oo muddo soo socdey uu sababey in doorashooyinka dalka dib u dhac weyn ku yimaadaan dowladnimadana lagu cabiro rabitaanka gaarka ah.

“Bulshada rayidka waxa ay ka digeysaa in laga waantoobo aragtida danaha gaarka ee siyaasiyiinta oo sii hurin kara khilaafka siyaasadeed iyo in si khaldan loo isticmaalo
awoodaha sharciga dowladnimo waxa ayna madaxda dalka u soo jeedineysa in wadahadal ku
dhisan mas’uuliyad qaran ay xal uga gaaran khilaafka siyaasadeed ayaa lagu yiri” Qoraalka Urrurada Bulshada rayidka.

Qoraalka kasoo baxay Urrurada Bulshada rayidka oo aad u sheer ayaa waxaa loogu baaqay duubabka Soomaliyeed, odayaasha dhaqanka,
culumo u diinka, wax garadka, haweenka iyo aqoonyahanada Soomaliyeed in ay u istaagan
sidii loo heli lahaa xal dhab ah oo lagu xaqiijinayo dhameystirka khilaafka siyaasadeed isla
markaasna la dhameystiro doorashooyinka dalka ka bilowdey.

Ugu danbeyntii Bulshada Rayidka ayaa waxa ay u mahad celiyeen beesha caalamka dadaalada
ugu jirto geedi socodka dowladnimada Soomaliyeed waxayna u soo jeediyeen in ay dadaalkooda mideyaan isla markaana ku taageeraan bulshada rayidka doorkooda ku aadan sidii loo adkeyn lahaa degenaasha iyo nabada dalka.

Walaaca ay muujinayaan Urrurada Bulshada rayidka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu xoogeystay khilaafka dhinaca sharciga ah ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo salka ku haaya kiiska Ikraan Tahliil.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com