Madaxwaynaha Somaliland” Waan ka xunahay iyadoo natiijada lagu dhawaaqin inay dhacaan dibadbaxyo” (dhegayso)

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa soo saaray hadal u muuqday inuu ku dajinayo xiisadda ka dhalatay doorashooyinkii kadhacay deegaamada Somaliland.

Hadal uu jeediyay ayuu ugu baaqay shaabka inay is-dejiyaan, waxaana uu ku tilmaamay nasiib xummo in laga hordhaco natiijada oo la sameeyo dibadbaxyo rabshado wata.

Waxaa uu sheegay doorashadii kadhacday Somaliland inay suncad usoo jiiday Somaliland, waxaana tusaale uu usoo qaatay warbixintii kasoo baxday guddiga caalamiga ee la socodka doorashooyinka Somaliland.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin ciddii fidmo wadda oo ka dhan ah deganaashiyaha Somaliland.

Hoos kadhegayso

Doorashooyinkii kadhacay Somaliland oo weli aan lagu dhawaaqin ayaa waxaa isa soo tarayay rabshadaha ka dhashay, kadib markii lagu eedeeyey guddiga doorashooyinka inuu ka weecday hanaankii doorashada.

 

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com