Madaxwaynaha Jubaland oo ku dhawaaqay xilliga uu furmayo shirka Kismaayo

Madaxwaynaha Jubaland oo ku dhawaaqay xilliga uu furmayo shirka Kismaayo

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay shirka lagu wado inuu kafurmo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose oo horay uu isugu yeeray inay kasoo qaybgalaan madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada.

Isagoo hadlayay kadib kulankii todobaadlaha ee Golaha wasiirada Jubalanad oo kadhacay xarunta madaxtooyada ee maamulka ayuu sheegay shirka inuu furmayo maalinta Axadda ah ee soo socota, waxaana uu ugu baaqay madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada inay kasoo qaybgalaan shirkan oo uu sheegay in looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo doorka dowlad goboleedyada ee dalka.

Shirkan ayaa la filayay inuu furmo maanta oo Khamiis ah, waxaana horay u gaaray magaalada Kismaayo xildhibaano katirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxwayne kuxigeenka Puntland ayaa horay dhaliil ugu soo jeediyay shirka oo uu ku sheegay mid u adeegayn danaha umadda Soomaaliyeed, inkastoo aragtidaasi mid ka duwan uu qabo madaxwaynaha Puntland oo u arka shir muhiim u ah siyaasadda Soomaaliya xilligaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com