Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka, Puntland iyo madaxda kalle oo mar kalle kulmay (sawiro)

HomeWararka

Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka, Puntland iyo madaxda kalle oo mar kalle kulmay (sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Muadane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa oo taariikhdu tahay 27 January 2019 casho sharaf u sameeyey Madaxweynaha Dow

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa Booqasho Ramsmi ah ugu Ambabaxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Baxay
AMISOM oo taageero maaliyadeed u raadinaysa dagaalka Al-shaabaab
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo booqday Xerooyinka Barakacayaasha Garoowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Muadane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa oo taariikhdu tahay 27 January 2019 casho sharaf u sameeyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Dowaddaha Xubnaha Ka ah Dowladda Fedraalka Soomaaliya.

 

Casha sharfata uu sameeyey Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha  Dowladda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladdaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka  Soomaaliya, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee DFS Cali Maxamed Geedi, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

 

Munaasibadda casho sharafta ah ayaa ahayd mid lagu maamuusayey Madaxda Soomaaliyeed ee kasoo qayb gashay xafladda caleema saarka Madaxda cusub ee dowladda Puntland, munaasibaddan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa fanaaniin caana oo qaaday heeso wadani ah iyo kuwo ay ugu talagaleem Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland.

 

Ugu danbayn, Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka iyo masuuliyiinta kasoo qayb galay casho sharafta u gacan qaaday mid mid waxaana uu ugu tegey shakhsi kasta goobta uu ka fadhiyo Madasha,

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: