Jubaland: Siyaasiyiin iyo waxgarad digniin soo saaray ku wajahan xaaladda deegaankaasi

HomeWararka

Jubaland: Siyaasiyiin iyo waxgarad digniin soo saaray ku wajahan xaaladda deegaankaasi

Golaha la magacbaxay toosinta iyo wadatashiga Jubaland oo ah golle ay ku midaysanyihiin aqoonyahano, ganacsato iyo qurbe joog kasoo jeedda deegaamada

Wasiirkii amniga Jubbaland oo xabsiga Muqdisho ka baxsaday
ISRAA’IIL OO DUQAYMO KA GEYSATAY LUBNAAN IYO FALASTIIN.
Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay golaha guurtida Caabudwaaq (Sawiro)

Golaha la magacbaxay toosinta iyo wadatashiga Jubaland oo ah golle ay ku midaysanyihiin aqoonyahano, ganacsato iyo qurbe joog kasoo jeedda deegaamada Jubaland ayaa soo saaray digniin kusaabsan xaaladda deegaankaasi iyo bayaan ay kaga hadlayaan sida maamulka uu u gaari karo hormar.

 

Go’aanka ayaa waxaa loo dhigay sidaan hoose,

Iyadoo lagu salaynayo wadahadaladi iyo wadatashigii dhex maray qabaa’ilada bulshada Jubaland, Madashu waxaa lagu wargeliyay in ay ku dhawaaqdo tala-bixinada iyo digniinaha hoos ku xusan the Forum.

A). Madashu waxey si buuxdo u taageereysaa guulaha amni iyo xasilin ee la gaaray iyo dib u dhiska dowladeed ee la unkumay tan iyo inti la aasaasay Jubaland sanadki 2013, iyadoo taageero laga helayo Qaramada Midoobay, deeq bixiyayaasha caalamka iyo Maamulka Jubaland.

B). Madashu waxey si buuxdo u taageereysaa howlgallada amniga ee imika socda oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Jubaland oo looga gol leeyahay xoreynta goobaha ay ku xooganyihiin kooxaha Al-Shabaab – gaar ahaan, Degmooyinka Xagar, Buaale, Jilib, Saakoow, Salagle, Jamaame and Badhaadhe.

C). Madashu waxey ugu baaqeysaaa dalalka ay ka yimaadaan ciidamada AMISOM, gaar ahaan Ciidamada Kenya, Itoobiya iyo sidoo kale deeq bixiyayaasha sida Midowga Yurub, Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, iyo IGAD iney si buuxdo u taageeraan howlgalka cusub ee Jubaland ee lagu doonayo in lagu xoreeyo deegaanada Juabada Dhexe iyo degmooyinka Jubada Hoose (Xagar, Jamaame and Badhaadhe).

D)- Madasha Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Jubaland waxay ugu baaqaysaa beelaha walaahaha ah ee Jubaland inay ilaaliyaan nabadda iyo xasiloonida siyaasadeed.

E)- Madashu waxay ka digaysaa faragellin siyaasadeed oo lagu sameeyo arrimaha Jubaland, iyadoo Madasho soo dhawayay in doorashada Madaxtanimada Jubalad ay ku qabsoonto wakhtigii loo qorsheeyay.

E)- Madashau waxay dhinacyadaha hubeysan ee dagaalamaya ugu baaqaysaa inaysan ku dul dagaalamin shacabka ku nool deegaanada Jubboyinka gaar ahaana Jubada Dhexe.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: