Kursi katirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu dooranayo Baydhabo

Kursi katirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu dooranayo Baydhabo

Doorashada mid ka mid ah kuraasta baarlamaanka ee faderaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay ka qabsoonto magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Kursigan ayaa waxaa horay ka geeriyooday Xildhibaan lagu magacaabo jiray Khaliif C/llaahi Dheere, kaasoo bishii April ee sanadkii hore ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Waxaa Kursigan ku tartamaya illaa afar Musharax oo kala ah Isaaq Khaliif Sheekh, C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur, Xasan Macallim Ibraahim iyo C/laahi Shekh Maxamed.

Guddiga doorashada ayaa shalay bilaabay qabashada waraaqaha musharixiinta u tartamaya kursigan.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com