Muqdisho: Su’aalo la iska waydiinayo maxaabiista Daacish ee Sakiinta ku weerartay maxbuuska Britishka

Maxaabiis u xiran inay ka mid yihiin kooxda Daacish ayaa ku weeraray sakiin maxbuus u dhashay wadanka Britain, iyadoo iminka su’aalo la iska waydiinayo qaabka ay u suurto gashay maxaabiista inay sakiin helaan.

Anthony Thomas oo u dhashay wadanka Britain ayaa ciidamada ammaanka ay kasoo xireen garroonka diyaaaradaha ee magaalada Muqdisho, isagoo doonayay inuu raaco diyaaradda Ethiopia airlines duulimaadkeeda Muqdisho-Addisababa, waxaana muwaadinkan lagu helay walxo qarxa xiliga uu doonayay inuu ka gudbo goobta lagu baaro boorsooyinka ee garroonka.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaana dhowaan amartay in xabsiga lagu siihayo, waxaana go’aankaasi kadib dhacay weerar ay gaysteen maxaabiista Daacish ee kula xirnaa qolka , kuwaasi oo dhaawac u gaystay muwaadinkan.

Saraakiisha xabsiga ayaa sheegaya in xaaladda caafimaad ee Anthony Thomas ay tahay mid wanaagsan oo ay dhaqaatiirta xabsiga ku dadaaleen in dhaawaciisa la dhayo, balse su’aasha ayaa ah sidee ayay rag u xiran dambiyo argagaxisinimo u soortagashay inay xabsiga ay ku dhex helaan sakiinta oo ka mid ah aaladaha wax gooya, ayna ka mid tahay hubka khatarta badan.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com