AMISOM oo taageero maaliyadeed u raadinaysa dagaalka Al-shaabaab

HomeWararka

AMISOM oo taageero maaliyadeed u raadinaysa dagaalka Al-shaabaab

Wakiilka gaarka ah ee Midwoga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Caetano Madeira  oo warbaahinta kula hadlay Khamiistii shalay magaalada Nairobi

Ciidamada Galmudug oo xiray Odayaashii heshiiska la galay Al-Shabaab
Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Garoowe (dhegayso)
Deni oo Hay’adda FOA kala hadlay kordhinta taageerada arrimaha Beeraha & Xoolaha

Wakiilka gaarka ah ee Midwoga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Caetano Madeira  oo warbaahinta kula hadlay Khamiistii shalay magaalada Nairobi ayaa sheegay inay AMISOM u baahanyihiin taageero maaliyadeed si’ay usii wadaan howlgalkooda Soomaaliya.

Wakiilka ayaa sheegay dhaqaalahan inuu muhiim u yahay sii wadida dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo xasilooni soo celinta Soomaaliya oo muhiim u ah Soomaaliya iyo dalalka Bariga Afrika.

Waxaa uu xusay haddii la waayo dhaqaale inay khatar gelin karto guulihii horay ay u sameeyeen ciidamadooda iyo kuwa Soomaaliya.

AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya ayuu sheegay inay isku diyaarinayaan dagaal hor leh oo ay la galaan Al-shabaab sanadka 2018ka.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: