Shir wadatashi ah oo dastuurka Soomaaliya looga hadlayo oo Garoowe ka furmaya

Shir wadatashi ah oo dastuurka Soomaaliya looga hadlayo oo Garoowe ka furmaya

Wasiirka dastuurka dowladda faderaalka ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Garoowe, kuwaasi oo ka qaybgalaya shir wadatashi ah oo laga yeelanayo dastuurka Soomaaliya oo dhexmari doona dowlad goboledyada iyo dowladda dhexe.

Shirkan ayaa waxaa la filayaa inuu gabagabadii kasoo baxo martiyeed, wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa warbaahinta u sheegay inuu yahay shir sadexdii biloodba mar ay yeeshaan wasaaradaha dastuurka dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Wasiirka dastuurka Puntland Cabdifitaax Caynab ayaana wafdiga kusoo dhoweeyey magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com