Madaxtooyadda Somaaliya oo faahfaahin kabixisay kulankii Farmaajo & James Swan (dhegayso)

Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Somaliya Md. Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa wareysi gaar ah ee uu siiyey Radio Daljir waxa uu ku faahfaaiyey kulankii maanta dhexmaray madaxweynaha Somaliya iyo wakiilka Qaramadda Midoobey ee Somaaliya James Swan

Maxmed Cabdullahi Farmaajo iyo Wakiilka gaarka ah ee xog’hayaha guud ee QM. u qaabilsam ariimaha Somaliya Md. Jems Swam oo dhawaan loo soo magacaabay shaqadaas.

Cabdinuur ayaa docda kalena ka hadlay sida uu wakhti xaadirkan yahay xiriirka wadashaqaynta ee dawladda Federalka Somaliya iyo xafiiska QM. ee Somaliya, isagoo hadal meel waayey ku tilmaamay wararka sheegaya in labadan dhinac ay u dhexayso xiisad ka dhalatay eryidda wakiilkii hore uu UNta u qaabilsanaa Somaliya.

Agaasime Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa khadka telefoonka ugu warramay Axmed Sh. Max’ed “Tallman” oo ku sugan studiyeheenna Daljir Bossaso.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com