Maareeye: “Dowladda Soomaaliya qof kasta oo dhinta waxay u aqoonsan tahay Coronavirus inuu dilay”

HomeWararka

Maareeye: “Dowladda Soomaaliya qof kasta oo dhinta waxay u aqoonsan tahay Coronavirus inuu dilay”

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay maanta u aqoonsan tahay qof walba oo dhinta inuu d

Warka Fiidnimo iyo Subeer Cabdi, Daljir Gaalkacyo (Dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Baaq Nabadeed oo ka yimid Caasha Gelle oo Ka mid ah Waayeelka iyo Siyaasiyiinta Puntland

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay maanta u aqoonsan tahay qof walba oo dhinta inuu dilay Coronavirus, iyadoo hadalkan uu muran badan dhaliyay.

Dad kala duwan ayaa si aad ah uga falceliyay hadalka Wasiirka baraha bulshada, iyagoo ku tilmaamay mid aan ka fiirsi laheyn.

“Mid wuxuu dhahayaa malaariyo u dhintay, cagaar-show ayuu u dhintay, waxba kama jiraan, dowladda Soomaaliya waxay maanta u aqoonsan tahay qof kasta oo dhinta Coronavirus inuu dilay, markii laga baxo halkii caada ahaa halagu noqdo, waxba yaa been la sheegin, qandhada oo dhami waa Coronavirus, dadka waxaa leenahay qof qandheysan halaga dheeraado”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Hadalka Wasiirka ayaa u muuqda mid bannaanka soo dhigaya warar soo baxayay oo ahaa in dowladdu aanay si sax ah u soo bandhigin dadka u dhinta Covid-19, xitaa dadka caadiga ah ugu geeriyooda Isbitaalada in dowladdu ku xisaabiso inuu Corona u dhintay.

Tan iyo markii dowladdu ay u sameysay bar gaar ah oo lagala socdo dadka uu soo rito, iyo dadka u dhinta waxaa soo baxayay shakiyo kala duwan oo ah in dowladdu Cudurkan ka dhiganeyso mashruuc ay taageero dhaqaale ku raadineyso, maadaama aan si waaqic ah loo wajahin cudurkan wax ka qabashadiisa, shaqsiyaadka loo xilsaaray ay yihiin kuwo ugu shaqeynaya qaab NGO, waxaana dhammaan howl kasta oo arrimaha COVID ku saabsna uu ku soo uruuray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo kala wareegtay wasaaraddii Caafimaadka oo howshan marti ka ah.

Diwaaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: