Maamulka Somaliland oo War cusub ka soo saaray Covid19

Wasiirka maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire oo la hadlay warbaahinta ayaa soo bandhigay go’aamo ay dawladu gaaray oo uu ku dhaliyey xanuunka Coronavirus, isaga oo sheegay inay si deg deg ah u hirgelinayaan.

Waxaa uu sheegay in ay hoos u dhigeen Canshuuraha laga qaado Ganacsatadda degaanada maamulka Somaliland.

“Dawladu waxay go’aansatay in cashuurta laga qaado raashinka soo daga ay hoos u dhigto 20%, raashinkaas oo ay ka mid yihiin daqiiqda, bariiska, saliida,sonkorta iyo baastada, waxaanay dawladu go’aansatay inay si dhaw ula socoto ascaarta daruuriyaadka ah oo ay ka mid yihiin raashinka, dawooyinka, shiidaalka iyo agabka lagaga hortagayo Covid-19” ayuu yiri Wasiir Sacad.

Sidoo kale wasiir Sacad ayaa ka warbixiyey sanduuqyo ay Somaliland samaysay oo lagu taageerayo shacabka iyo qadarka lacago ay ku shubtay.

“Waxa kale oo ay dawladu samaysay sanduuq loogu tala galay in laga taakuleeyo dadka ay dhibaatada dadka ay dhibaatada dhaqaale ka soo gaadhay xanuunka coronavirus, sanduuqaasna waxay ugu tala gashay inay ugu tababarucdo lacag dhan hal milyan oo doolar”ayuu yiri Wasiir Sacad

Waxaa intaasi kusii daray “waxa kale oo xukuumadu samaysay sanduuq loogu tala galay in laga taakuleeyo ganacsatada yar yar ee ganacsigoodu kaga baaba’ay ama kaga daciifay intii xanuunka Coronavirus ina soo galay waxaanay dawladu ku shubaysaa halmilyan oo doolar, waxa kale oo ay dawladu ku shubaysaa sanduuqii ay hore u samaysay ee ka hortaga Covid-19 hal milyan oo kale iyada oo hore loogu shubay shan boqol oo kun oo doolar.”

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com