Maamulka gobolka Sanaag oo eedeyn kulul u jeediyey xukuumadda Puntland, codsadayna gurmadad aadaminimo oo deg deg ah. [Akhris …]

Bossaso, Aug 08 – Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur (Dabeyl) oo maanta soo booqday istuudiyaha Daljir ee magaalada Bossaso ayaa ku eedeeeyey xukuumadda Puntland inay ka jawaabiweyday codsiyo is daba jog ahaa oo ay horay ugu soo gudbiyeen, kuwaasi oo la xiriiray in baad iyo biyo deg deg ah lala soo gaaro dadka ku dhaqan gobolka Sanaag oo abaaro ba?an halakeeyeen.

Gudoomiyaha ayaa sheegey in hay?adaha samafalku ay ka sii xagjiraan dawladda oo aysan wax gargaar ah geyn gobolka marka laga reebo dhawr booyadood oo biyo ah, kuwaasi oo la geeyey meelo gaar ah dhaliyeyna rabshadu iyo isqabqabsi.

Md. Dabeyl ayaa sheegey in xooluhu si tarab tarab ah u le?anayaan ayna abaartu saameysay inta badan gobolka, taasi oo keni karta in xaaladdu faraha ka baxdo.

Maxamuud Siciid Dabeyl oo ay la socdeen odayaal reer miyi ah oo diifta abaartu ka muuqato markii uu maanta yimid istuudiyaha Daljir ayaa markale ku celiyey inay dawladda Puntland, hay?adaha gargaarka iyo jaaliyadaha dibadda ka sodsanayaan gurmad deg deg ah oo aan raagin si dadka loo badbaadiyo.

Maxamed Ibraahim Marooje oo ka mid ahaa odayaashii la socday guddoomiyaha ayaa sheegey inuu ahaa qeylageys abaareed ayna xooluhu dhimanayaan,

Waxaa uu intaasi ku sii daray in tusaale ahaan qofkii lahaa boqol (100) neef oo ari ah uu maanta adtaaganyahay sodon (30) taasina ay muujineyso baaxadda abaarta ka jirta gobolka.

?waxaan lahaa lixdan iyo shan (65) neef oo geel ah hadana waxaa ka haray 3 neef oo qura ee hanala gacan qabto? ayuu yiri Marooje oo intaasi ku daray in dhulku yahay mid xaaluf noqday oo aan looga sheekeyn Karin qof aan arag.

Axmed Shiikh Maxamed (Tallman)
Idaacadda Daljir.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com