Maamulka Galmudug oo la Saftay Sucuudiga Xirirkana u Jaray Qadar (Akhriso)

Maamulka Galmudug oo la Saftay Sucuudiga Xirirkana u Jaray Qadar (Akhriso)

Galmudug ayaa ka mid noqday Maamuladda ka goostay dhex dhexaadnimadii dowladda federaalka ka qaatay Arimaha wadamada Khaliijka gaar ahaan khilaafka Qadar iyo Xulafada Sucuudiga

Wareegto ka soo baxday Xafiiska maadxweynaha Maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in Galmudug iyada oo ka fiirineysa xiriirka Shacbka Soomaaliyeed kala dhaxeeya Imaaraadka iyo Sucuudiga ay taageersanyihiin go’doominta Qadar.

Qoraalkan Warqada ku qornaa ayaa lagu sheegay in Dowladda dhexe ay go’aan iska gaartay iyada oo aan la tashay Dowlad Goboleedyada,taasna aysan sax ahayn sababtana tahay in xiriir Taariikhi ah Soomaaliya iyo Sucuudiga ka dhaxeeyo loona baahan yahay in dhinacaas la raaco.

Hoos ka Akhri

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com