HomeUncategorized

Labo nin oo ganacsato ah oo caawa lagu dilay magaalada Boosaaso.

Caption ...

Baahin: Sabti, May 14, Weriye Adam Shardi ~ Daljir ~ Galkacyo. Amniga magaalada Galkacyo oo la mahadiyey; Col. Xasaasi, taliyaha hawl-gallada amni ee Galkacyo ayaan waraysanay … Dawlada federaalka ah oo guulo ka sheegatay dagaallo ay isaga hor yimaadeen Al-shabaab & AMISOM oo ugu baaqday shacabka Muqdisho in ay ka guuraan xaafadaha Al-shabaab ka taliyaan … Ciidamada dawladda ee gobolka Gedo oo sheegay in ay qabteen 5 ka mid ah ciidan sahan ah ee Al-shabaab; Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka ayaan waraysanay … Qababqaabada xuska aasaaskii SYL oo ka socda qaar gobollada Somaliya; Indha-guran, wasiirka shaqada & shaqaalaha ee Puntland ayaan waraysanay …
Baahin: Khamiis, May 05, Weriye Khadar Cawl ~ Daljir ~ Buuhoodle. Sh. Xasan Qoryooley, ku xigeenkii Ahlu-sunna oo u dhintay dhaawac Shabaabku gaarsiiyey; Sarkaal la socday marxuumka ayaan waraysanay … Mid kam id ah macallimiinta D/Sare ee Muuse Yusuf ee magaalada Laacaanood oo ay xireen ciidanka sirdoonka Somaliland … Wasiirka kalluumaysiga ee Somaliya oo QM u gudbinaya qoraal ku saabsan xuduudda badda Somaliya; afhayeenka xukuumada ayaan ka waraysanay … Xaaladda Ammaan ee magaalada Galkacyo oo ka soo raynaysa, bandowga oo weli saaran magaalada, & hawl-gallada amniga oo la laban-laabay; Taliyaha ciidanka bilayska ee gobolka ayaan waraysanay …
Dowladda Kenya oo sheegtay inay ka feejigan tahay weerarada Alshabab.


Bossaso, May, 14 – Waxaa caawa siyaabo kale duwan loogu dilay magaalada Bossaso laba nin oo ka mid ahaa ganacsatada magaalada, kuwaas oo ay dileen dabley hubaysan oo baxsaday dilka ka dib.

Labada nin ayaa lagu kala magacaabi jiray Shire Siciid C/raxman iyo C/salaam Warsme Aw-max?ed waxaana lagu dilay bartamaha magaalada fiidnimadii caawa. Dilalka ayaa dhacay wakhtiyo isu dhaw waxaana maydka labada marxuun la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Bossaso.

Shire Siciid oo lagu naynaasi jirey (Shire Walbaq) ayaa ka mid ahaa ganacsatada Maxjarka ee xoolaha dhoofisa, waxaana uu mar soo noqday guddoomiyaha degmada Ufayn ee gobolka Bari dhismihii dawladda Puntland ka hor.

Marxuunka kale C/salaam Warsare ayaa isna ka shaqaynayey shirkadda Red-Sea oo ka mid ah shirkadaha ganacsiga ee ka hawlgala deegaanada Puntland.

Warar aan la hubin ayaa sheegaya in arrintani tahay aano qabiil, halka warar kale sheegayaan in dilalkani daba socdaan kuwa hore aan la aqoon cidda geysatay iyo sababta loo geystay midna. Mano jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo arrintaasi la xiriira oo ka soo baxay maamulka Puntland.

Dhacdo tan ka duwanna waxaa caawa magaalada Galkacyo lagu dhaawacay C/laahi maxamed jaamac oo u shaqaynayey D/hoose ee magaaladaasi, waxaana dhawaaca geystay rag hubaysan oo baxsaday.

Axmed Sh. Maxamed ?Tallman?
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: