Kulankii Baarlamaanka ee Soomaaliya oo mar kalle dib u dhac uu ku yimid

HomeWararka

Kulankii Baarlamaanka ee Soomaaliya oo mar kalle dib u dhac uu ku yimid

Warar aanu ka helayno illo ku dhow xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa soo warinaya inuu mar kalle dib u dhac uu ku yimid kulankii baar

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha DFS, Juxa, oo Garoowe lagu soodhaweeyey (dhegayso/sawiro)
Wasiir ku xigeenka Wasaradda Kaluumaysiga Puntland oo ka qayb galay shir Garoowe kadhacay (dhegayso)
Madaxweyne Gaas: “Farxad aan la koobi karin iyo reynreyn …” (dhegayso)

Warar aanu ka helayno illo ku dhow xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa soo warinaya inuu mar kalle dib u dhac uu ku yimid kulankii baarlamaanka Soomaaliya loo balansanaa maanta inay yeeshaan mar kalle , kaasi oo diiradda lagu saari lahaa cod u qaadista guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka dib u dhac uu ku yimid, iyadoona ciidamada ammaanka ee xarunta golaha shacabka ilaalinayay lagu wargaliyay in kulanka uu baaqday.

Khilaafka ka dhexjira Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa noqday mid hakad geliyay howlihii xukuumadda, iyadoona qayb ka mid ah xildhibaanada oo wasiirada xukuumadda katirsan ay khilaafka qayb ka noqdeen.

Beesha Caalamka ayaa wadda dadaallo lagu doonayo in lagu xaliyo muranka ka dhexjira hay’adda sharci dejinta ee dalka.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: