Madaxwayne Farmaajo oo kulan la yeeshay Saraakiisha Ciidamada

Madaxwayne Farmaajo oo kulan la yeeshay Saraakiisha Ciidamada

Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xalay kula kulmay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho saraakiisha ciidamada militariga, nabad sugidda iyo booliska.

Madaxwaynaha ayaa kala hadlay saraakiisha ciidamada inay ciidamada muujiyaan feejignaan oo ay ku milmin siyaasadda iska soo horjeeda ee ka taagan magaalada Muqdisho.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay in ciidamo katirsan dowladda ay la kala safteen dhinacyada siyaasadda isaga horjeeda ee baarlamaanka ee magaalada Muqdisho.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com