Ra’iisul Wasaare Xasan Khayre oo kormeeray goobihii shalay la weeraray

Ra’iisul Wasaare Xasan Khayre oo kormeeray goobihii shalay la weeraray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeeray laba baro oo ciidamadu ku leeyihiin magaalada Muqdisho oo maalinimadii shalay ka dhaceen laba qarax oo gaari loo adeegsaday.

Goobaha uu booqday ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxaa uu kula kulmay ciidamadii ka qaybgalay kahortagga weeraradii shalay kadhacay magaalada Muqdisho oo ay ku geeriyoodeen shan qof, isagoona kadhagaystay warbixin.

Ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyay ciidamada dadaalkii ay kaga hortagayeen weerarka oo uu sheegay in shacab badan lagu baabi’in lahaa, balse la fashiliyay, waxaana uu guddoonsiiyay lacag dhiirigalin ah.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa  kormeerkiisa ku wehlinayay Wasiirka amniga , Maxamed Abuukar Isloow, agaasimasha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, Sarkiil Ciidan iyo xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir ayaa booqasho ku tagay Xalay saqdii dhexe xarumo ay ka howl-galaan Ciidnka nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com