Kooxda Real Madrid oo ku Guul-daraysatay in ay u Gudubto Finalka koobka Champions Leaque

Khamiis, May 14, 2015 (Daljir) —Kooxda Juventus ayaa u soo baxday finalka Champions Leaque-ga xili ciyaareekan 2014/15, waxayna kooxda ree Talyaani finalka Champions Leaque la ciyaari doonta kooxda Barcelona oo xalay u sii baxday finalka Berlin. Juventus ayaa santiago Bernabeu ku reebtay kooxdii koobka Champions Leaque-ga difaacanaysay ee Real Madrid.

Inkasta oo ay Real Madrid gool ku hormartay qaybtii hore ee ciyaarta ayay haddan Juventus goolka barbaraha la timid qaybtii danbe, waxaana Real Madrid dhibta u soo jiiday dhaawicii hore ugu soo gaadhay Juventus Stadium. Gool uu Ronlado dhaliyay oo Real Madrid u horseedi lahaa finalka ayuu Morata waxba kama jiraan ka dhigay, waxaana markale Real Madrid gudhaadsaday hubkoodii ay Juventus ka iibiyeen.Juventus ayaa ku soo baxday celcelis ahaan 3:2 ah.

Dhinaca kale wargeysyada Talyaaniga ee saaka soo baxay ayaa dhamaantood boogagooda hore waxa ay ku amaanayaan kooxda Juventus oo xalayto buukimatay booskeeda finalka Champions League oo ay 6da bisha June kula ciyaarayaan kooxda Barcelona.

Juventus ayaa ka soo talaabsatay kooxda 10ka jeer ku guuleysatay koobkaan ee Real Madrid ka dib markii ay xalayto barbaro 1-1 ku qabteen ciyaartii ka dhacday Santiago Bernabeu halka kulankii Turin ee isbuucii hore ay 2-1 ku soo badiyeen taasoo ka dhigeysa inay labadii lug ee wareega afar dhamaadka ay Madrid ku qaarjiyeen 3-2.

Wargeyska caanka ee La Gazzetta dello Sport ayaa saaka hogaaminaya amaanta kooxda Juventus ee looga hayo Italy iyo qeybo badan oo Yurub ka tirsan, waxaana ay bogooda hore soo saareen ciyaartoyda Juventus oo dabaaldegaya ka dib kulankii xalayto iyagoo cinwaan weyn ku soo qoray “Fiesta”. Waxaana ay sidoo kale ku qoreen bogooda hore: “Juve si waali ah ayay u fiicneyd kulankii Real Madrid, haatan dhamaanteen ayaa aadeyna Berlin. Barbaro geesimo leh oo Madrid lagu galay 1-1. Finalkoodii sideedaad waxa ay haatan wajahayaan Messi.”

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com