Kooxda Kubada cagta Daljir oo casumaad u fidisay kooxo ka socda Garowe iyo Gaalkacyo.

Bossaso, Sept 25 – Kooxda kubada Cagta ee Daljir Team Club ayaa waxaa ay casumaad ay u fidisay naadiyada Kaalo Garowe, iyo RPS Gaalkacyo.

Labada naadi ee Daljir & Kaalo ayaa waxaa ay ciyaar saaxibtinimo ay ku yeesheen garoonka kubada cagta Ee Magaalada Boosaaso; Ciyaartaasi uu Koob yaalay koobkaasina uu dhigay Agaasimaga guud Ee Radioga Daljir Axmed Sheekh Tallman.

Ciyaartani oo ahayd Mid Aad u xiiso badan ayaa dawashadeeda waxaa ka soo qeeb galay Mas,uliyiin ay ka midyihiin gudoomiyaha Sportiga Gobolka Bari Mustafa c/raxmaan Majacase xoghayaha Sportiga Gobolka Bari Xurguf, Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Puntland Nuur Xaaji Gudoomiyaha Garsorayaasha Gobolka Bari Cabdi Cartan iyo Agaasimaha Guud Ee Radioga Daljir Axmed Shiiq Maxamed tall Man iyo Qaar ka Mid ah wariyaasha Idaacada iyo Marti sharaf kale oo aad u badan

Kulankani ayaa Waxaa u soo daawasha Tagay Dadwayna Aad u badan kuwasoo La dhacay qaab Ciyaareedka Labada Naadi Daljir iyo Kaalo

Ciyaartani ayaa Waqtigii loogu Tala galay waxaa ay ku soo gabagabowday 0-0 rigoorayaal La dhigay waxaa ay guusha ku raacday kooxda daljir oo giil ku laadkii Keensatay 4 halka kooxda Kaalo ay la timid 2 sidaasina ay Guusha ku Raacday kooxda Daljir Team Club .

Hadaba isla habeenkii ayaa waxaa xaflada Lagu qabtay xarunta daljir taasoo koob lagu gudoonsinayay kooxda Daljir oo koobka ku guulaysatay iyo kooxda Kaalo oo kaalinta Labaad Gashay koobkana waxaa Gacantiisa ku gudoonsiiyay gudoomiyaha Sportiga gobolka Mustafa c/raxmaan Majacase

Ma aha Markii ugu horaysay oo ay labadaan kooxod ay is arkaan kulankii kan ka horeeyay ayaa Waxaa uu ka dhacay Magaalada Garowe Garoonka Mire Awaare markaasoo kooxda kaalo Marti loo ahaa Waxaa ayna ciyaartasi ay ku soo idlaatay 3-1 oo ay guusha ku raacday Kooxda Daljir

Dhanka kale Shalay ayaa waxaa sidoo kale kooxda Daljir ay Casumaad u fidisay Kooxda RPS ee Magaalada Gaalkacyo.

Ciyaartani ayaa Waxaa 1-0 looga adkaaday kooxda daljir oo goolka Laga dhaliyay Xili danbe Guuldarada kooxda ayaa sabab u ahayd Daal Farabadan oo ka muuqday ciyaartoyda Daalkaasoo ay ka qaadeen kulankii darbiga ahaa ee la ciyaareen kooxda Kaalo .

Mas’uuliyiinka gobolka iyo bahda Sportiga ayaa Aad u soo dhaweeyay hormarinta Sportiga ay wado daljir ayago ku tilmaamay Mid ay dhalanyarada Deeganada puntland ay isku baranayaan ayadoo sidoo kale dhalanyarada kala dagaalamaysa wax yaalaha xun xun sida burcad badeednimada maandooriyaha iyo waxyaalo kale

Naadiga daljir ayaa waxaa lagu tilmaamaa kooxda ugu Quwada Wayn ee ka dhisan Puntland ayadoo xitaa la filayo in dhawaan Ay safaro ciyaareed ay ku tagto gobolada uu ka koobanyahay Puntland .

Salmaan Kaka
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com