Kooxda Alshabaab la wareegay degaanka Farlibaax

Kooxda Alshabaab  la wareegay degaanka Farlibaax

Wararka naga soo gaaraya degaanka Farlibaax oo 45 Km u jira Magaalada Beledweyne ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay Saakay qabsadeen degaankaasi.

Iska horimaad kooban ayaa dhexmaray Ciidanka dowladda iyo Ururka Al-Shabaab, waxaana la sheegay in Ciidanka dowladda ay iska baxeen degaankaasi.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan degaanka.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa wadda abaabul ay ku doonayaan in ay dib uga la wareegaan Al-Shabaab degaanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com