Wasiir Goodax-Barre: “Puntland imtixaanka ha gasho, ama ha isku filnaato oo yaysan shahaado noo soo raadsan”

Wasiir Goodax-Barre: “Puntland imtixaanka ha gasho, ama ha isku filnaato oo yaysan shahaado noo soo raadsan”

Wasiirka wasaarada wax barashada DFS ayaa  ka hadlay mowqifkooda ku aaday khilaafka Puntlnad ee dhanka Imtixaanadka fasalka 12 adaa.

Wasiir Goodax-Barre yaa yiri “ Puntland waxaan ku kala aragti duwanahay Imtixaanka fasalaka 12 aad galinyaantiisa ”

” Aragtida Puntland waxa ay tahay Imtixaanka anaga ayaa qaadanayana, wasaarada waxbarashada DFS marabno in aaan wax la wadaagno, in aan macluumaadka ardayga u sheegno ma rabno,anag ayaa is agaasimayna qofkii aan niraahno waa uu baasay  anaga ayaa shahaado siinayna, taas waan ka diidnay.

isagoo hadalkisa siiwata ayuu sheegay Wasiirka Goodax ” Puntland in aan shaqaysan siino oo la mid ah midka shaqaystay suurta gal ma aha, ee Puntland iyada ayay sheekadu hortaalaa oo waa in ay imtixaan kaas galaan ama aysan shahaado noo soo raadsan oo ay isku filnaadaan.

Bishii May 19, 2019 kii ayuu Wasiir Goodax Bare ayaa waxa uu yiri “Imtixaan waa fashilmaa, saacadaan la joogo Puntland imtixaan ay qaadeysay wuu fashilmay, waddamada jaarka ah wuu ka fashilmaa, adduunkana waa ka fashilmaa”.

Xiligaas oo uu wasiirku uu hadalkaas jeediyay waxaa Imtixiinka Puntland u fadhiyay Arday ka badan 15 kun, dowladda Puntlandna ma aysan sheegin wax dhibaato ah oo ku yimi Imtixaanka waxaana xariga ka jaeay imtixaanka xiligaas madaxweyned Deni, balse taa badalkeed waxaaba fashilmay Imtixaankii ay qaadaysay dowladda waxaana suuqa maalin cad lagu kala iibsanayay Imtixaankii oo daabaca.

Miisaaniyada wasaarada wax barashada Soomaaliya waa $ 17.6M oo doolar,waan 5.1 boqolkiiba miisaaniyada guud eedalka, lacagtaasi $ 4M oo kamid ah waxa ay ku baxdaa sida ay dowladu sheegtay Dugsiyada Hoose, halka jaamacadda Umadana ay ku baxdo $ 2.6M sidoo kale $ 8 M ayaa lagu qarash gareeyay Dugsiyada dowladda, balse marka la bar-bar dhigo baahida waxbarashada ee dalka waa qarash aad u kooban marka la bar-bar dhigo baahida wax barashada ee dalka.

Deeqaha waxbarasho oo ay dowladdu ka heshay dibada ayay maamul goboleedyadu cabasho ka muujiyeen.

Dalkir kala soco jawaabta Puntland iyo shacabkeeda ay ka bixin doonaan hadalka Wasiir Goodax Bare.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com