Abbe wilkiisa ku gowracay Magaaladda Jowhar oo la soo qabtay

HomeWararka

Abbe wilkiisa ku gowracay Magaaladda Jowhar oo la soo qabtay

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada Jowhar ayaa gacanta ku soo dhigay Aabe Wiil uu dhalay xalay ku Gowracay Xaafada horseed ee Jowhar, isagoona f

Jubbaland oo DFS ku eedeysay inay is hortaag ku samaysay Dawooyin loo wadda Kismaayo (Daawo)
Masar oo sadex bilood ku kordhisay xaaladda degdega ee wadanka la geliyay
Mucaaradka Ruushka oo qaadacay doorashada madaxtinimo ee dalkaasi

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada Jowhar ayaa gacanta ku soo dhigay Aabe Wiil uu dhalay xalay ku Gowracay Xaafada horseed ee Jowhar, isagoona falka kadib goobta ka baxsaday

Taliska Ciidanka Booliska Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Maanta warbaahinta usoo Bandhigay Aabaha Wiilkiisa Gowracay, iyadoona Taliska faahfaahin uu ka bxiyay dilkaas xalay ka dhacay Jowhar.

Maxamed Siyaad Cali Canjeex oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska Jowhar ayaa waxaa uu sheegay in Aabaha markii uu dilay Wiilkiisa uu magaalada baxsaday uuna aaday deegaan hoostaga Jowhar, hayeeshee markii dambe ay Ciidanka soo qabteen.

Sidoo kale Taliye Canjeex ayaa waxaa uu tilmaamay in Aabaha xalay saqdii dhexe Ciidanka amniga ay kasoo qabteen Tuulada lagu magacaabo Halgan, isla markaana haatan uu ku xiran yahay Saldhiga Booliska Jowhar.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0