Mucaaradka Ruushka oo qaadacay doorashada madaxtinimo ee dalkaasi

Mucaaradka Ruushka oo qaadacay doorashada madaxtinimo ee dalkaasi

Hogaamiyaha Mucaaradka Ruushka Alexei Navalny ayaa ku dhowaaqay in mucaaradku ay qaadaceen doorashada madaxtinimada dalka Ruushka ee 2018.

Warkan ka soo yeeray hogaamiyaha mucaaradka ayaa yimid kadib markii guddiga doorashada dalka Ruushka ay ka mamnuuceen hogaamiyaha mucaaradka Alexei Navalny inuu u tartamo xilka madaxtinimada dalka Ruushka oo lagu wado in sanadka soo socda la qabto.

Guddiga ayaa afti ay iska qaadeen waxaa ka soo horjeestey 12 xubin halka xubin kalana ay ka aamustay in uu hogaamiyaha mucaaradka uu musharax noqdo.

Hogaamiyaha mucaaradka ayaa markii uu soo baxay go’aankan waxa uu ku dhowaaqay in la qaadaco doorashada lagu wado in ay dhacdo bisha March 2018.

“Waxaan ku dhowaaqeynaa in aan qaadacnay doorashada,waxaan weydiisanaynaa qof walba inuu qaadaco doorashada, mana aqoonsan doono natiijada.”ayuu yiri hogaamiyaha mucaaradka.

Cajalad maqal ah oo uu soo duubay hogaamiyaha mucaaradka wax yar kadib markii guddiga doorashada ay ku dhowaaqeen go’aanka ay ugaga mamnuuceen hogaamiyaha Mucaaradka ayaa waxaa uu cambaareyay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

“Putin oo kaliya iyo musharaxiin maqaar saar ah ayaa ka qeybqaadanaya,in doorashada laga qeybgalana waxa ay tahay in been iyo musuqmaasuq loo codeeyo,”ayuu yiri hogaamiyaha mucaaradka.

Hogaamiyaha mucaaradka dowlada Ruushka ayaa abaabulay banaanbaxyo loogaga soo horjeedo Madaxweyne Putin iyadoo kuwii ugu waaweynaa ay dhaceen sanadihii 2011 illaa iyo 2012.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com