HomeUncategorized

Kooxda Al-shabaab oo qarax ka dhacay ceel-waaq ku dilay askar ka tirsan dowladda iyo dad rayid ah

Ceel-waaq, December 4, 2013 - Kooxda Al-shabaab ayaa xalay qaraxyo ku weeraray makhaayad lagu nasto oo ku taala degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, halkaas oo ay dad badan ku dhinteen.

Tirada xildhibaanada baarlamaanka federaalka oo lagu soo koobi doono 225 mudane; baarlamaanka oo yeelan doona laba (2) Aqal.
DHAGAYSO: Waxa kala Qabsaday Madaxweyne Gaas iyo Wariye Jamaal Faarax
Raggii dilay AU Wariye Hindiya Xaaji oo maantay dil toogasho ah lagu filiyay Muqdisho

Ceel-waaq, December 4, 2013 – Kooxda Al-shabaab ayaa xalay qaraxyo ku weeraray makhaayad lagu nasto oo ku taala degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, halkaas oo ay dad badan ku dhinteen.

Khasaaraha qaraxu geystay ayaa noqday Saddex ruux oo ?dhintay iyo toddobo kale? dhaawac soo gaaray, markii labba qarax lagu weeraray makhaayad ku taala degmada Ceel-waaq, halkaas oo ay degan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ciidamada huwanta ah ee degmada jooga ayaa shaaca ka qaaday in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay rayid u badan yihiin, balse waxaa ku jira ciidamo ka tirsan dowladda.

Kooxda al-shabaab ayaa weerarkaas sheegtay.

Taliska dowladda ee degmada ayaa hawada ka saaray isgaarsiinta markii qaraxyadu dheceen xalay, waxaana ilaa xalay halkaas ka socday baaritaano xoog leh oo aan weli laga war-bixin cida lagu soo qabtay.

Degmada Ceel-waaq ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay qaraxyo qorshaysan oo dad badan ku dhinteen, waana meel muhiim u ah dagaalada AMISOM iyo ciidamada dowladda ay kula jiraan Al-shabaab .

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: