Koox Samafalayal ah oo lagu Afduubtay Duleedka Magaalada Baydhabo

Koox Samafalayal ah oo lagu Afduubtay Duleedka Magaalada Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa sheegaya in kooxo la rumaysanyahay in alshabaab ay yihiin ay weraaren koox samafalayaal ah oo howlo sama fal ka waday Duleedka Baydhabo ,gaar ahaan deegaanka Garas mooshin oo qiyaastii 20 KM dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Baydhabo.

Radio Daljir Wararka ay ka helayso halkaas ayaa sheegaya in Kooxdaas ay afduubteen shaqaalahas oo isugu jiray somaali iyo Ajaanib samafalayaal ah.

Shaqaalaha la Afduubtay ayaa ka tirsanaa Hay’ad Ma Xalli ah oo lagu magacaabo Kareedo, waxayna Buskud nafaqeysan iyo Cuntooyin kale ay ka qeybinayeen Duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

ilaa hadda Majirto Masuul katirsan Maamulka koonfur Galbeed oo ka hadlay Dhacdadan ,Balse Xirir an la samaynay ayaan suurta galin inaan helno Masuuliyinta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com