Kongreska Mareykanka oo u codeeyay in la xadido awoodda Trump

HomeWararka

Kongreska Mareykanka oo u codeeyay in la xadido awoodda Trump

Aqalka kongareska Mareykanka ayaa meel mariyey qaraar xadidaya awoodaha Donald Trump ee uu dagaal ugu qaadi karo dalka Iran. Waxaa u codeeyey qaraa

Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bosasso (dhegayso)
Mid ka mid ah aasaasayashii Waxbarashada Gobolka Bari oo ku geeriyooday weerarkii Naasahablood 2 (dhegayso)
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo dhaliilay Hay’addaha Puntland ka howlgala (Daawo)

Aqalka kongareska Mareykanka ayaa meel mariyey qaraar xadidaya awoodaha Donald Trump ee uu dagaal ugu qaadi karo dalka Iran.

Waxaa u codeeyey qaraarka inta badan Xildhibaanada Aqalka Kongareska, iyadoo aan weli loo gudbin Aqalka Sare oo ay ku badan yihiin xisbiga Jamhuuriga.

Kongreska Mareykanka ayaa cuskaday xeerkii awoodaha dagaalka ee sanadkii 1973, kaasi oo Aqalka Kongreska awood u siinaya in ay eegaan awoodda u madaxweynaha uu u leeyahay in uu dagaal iclaamiyo.

Talaabadan ayaa loola jeedaa sidii uu madaxweyne Trump Kongreska ugu soo wargelin lahaa talaaba walba oo milateri oo ka dhan ah Iran, waxaase laga reebay hadii Iran ay weerar kuso qaado Mareykanka, taas oo uu madaxweynaha xaq u leeyahay in uu iclaamiyo dagaal.

Mareykanka iyo Iran ma aanay shaacinin dagaal milateri oo dhexmara, inkastoo Iran ay sheegtay in weerarkii dhawaan ay ku qaaday saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq uu bilow u ahaa tallaabooyin milateri oo ay damacsan tahay.

Trump oo ka hadlay qaraarkan ay u codeeyeen kongreska ayaa sheegay in uu rajeynayo in xisbiga Jamhuuriga ee uu ka tirsan yahay ay qaraarkan ku gacan seyraan.

Afhayeenka Aqalka Kongreska, Nancy Pelosi ayaa markii Mareykanka uu dilay Qasem Suleimani sheegtay in aysan aaminsaneyn in Trump uu nabad gelyo kusoo dabaalay Mareykanka.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: