Khayre oo Muqdisho ka Daahfuray Shir Aayotalinta Isgaarsiinta Soomaaliya

Khayre oo Muqdisho ka Daahfuray Shir Aayotalinta Isgaarsiinta Soomaaliya

R/wasaaraha dawladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Axad ah magaalada Muqdisho ka daahfuray shiweyne federaalka iyo maamulada kale ee dalku ka qaybgalayaan.

Shirkaasi oo sida qorshaysan socon doono muddo saddex maalmood ah, waxaa looga hadlayaa arrimaha isgaarsiineed ee Soomaaliya iyo Tignoolajiyadda.

Wasaaradda Warfaafinta dawladda federaalka ayaa lahayd qabanqaabada shir iyo qabashadiisaba, waxaana ka qaybgalaya wakiillo ka socda wasaaradaha warfaafinta ee maamullada dalka ka jira, masuuliyiinta warfaafinta Soomaaliya, mudanayaal baarlaamka ah iyo madax ka socota shirkadaha isgaarsiinta ee dalka ka jira.

R/wasaare Xasan Cali Khayre oo furay shirkaas ayaa ka hadlay arrimo badan oo Tignoolajiyadda iyo isgaarsiinta Soomaaliya la xiriira, lehna xaaladaha hadda iyo kuwa mustaqbalba.

Waxaa noo haya Cumar Lakiman iyo Daljir Caabudwaaq

Hoos ka dhegayso

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com