Khayre oo kormeeray goobahi qaraxyadu ka dhaceen

HomeWararka

Khayre oo kormeeray goobahi qaraxyadu ka dhaceen

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa booqasho dhiirri gelin ah ugu tegay ciidamada ammaanka ee sh

Xirsi Gooncadaawe: “Xukuumadda Dhammaanteed baa Guuldaraysatay … Hawshuna Hadda waa Kalabar”
RW Khayre oo Hambalyo u diray Ciidamada Dowladda oo la wareegay Jannaale
Al-shabaab oo markale digniin udirtay ergada soo xulaysa baarlamaanka Soomaaliya (Akhriso)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa booqasho dhiirri gelin ah ugu tegay ciidamada ammaanka ee shalay ka hor tegay laba weerar oo argagaxisadu doonayeen in ay dhibaatooyin xooggan ugu gaystaan ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ciidamada ugu tegay baraha ay ku sugnaayeen ayaa ku ammaany feejintaanta ay ka qabaan dhagaraha cadawga, waxa uuna kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan si loo baajiyo dhibaatooyin ay nabad diidku la doonayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidanka iyo saraakiishooda u sheegay in madaxda qaranku ay aad uga war qabaan dadaalka wanaagsan ee geesinimada xambaarsan ee ciidamadu ku jiraan, lana abaal marinayo ciidamada amniga ee isku hor gudbay cadawga, dhiigdoodana u huray badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay qayb ka qaataan sugidda amniga, oo ay laamaha amniga la soo wadaagaan xogaha muhiimka u ah adkaynta amniga.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: