Kenya xayiraad kusoo rogtay xerooyin ay ku sugan yihiin Qaxooti Soomaali ah

HomeWararka

Kenya xayiraad kusoo rogtay xerooyin ay ku sugan yihiin Qaxooti Soomaali ah

Dowladda Kenya ayaa bilaawday qorsho lagu yareeynayo dhaq dhaqaaqa ee ka bixitaanka iyo gelida laba Xero Qaxooti oo ku taalla Gudaha dalkaas sababo la

Jaziiradda Malta oo Raysal Wasaare cusub yeelatay
Qaxootiga Yemen ee Qardho oo ka cabanaya nolol xumo (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)

Dowladda Kenya ayaa bilaawday qorsho lagu yareeynayo dhaq dhaqaaqa ee ka bixitaanka iyo gelida laba Xero Qaxooti oo ku taalla Gudaha dalkaas sababo la xiriira ka hortagga faafitaanka Cudurka COVID-19.

Labada Xero oo kala ah Xeryaha Dhadhaab oo ay ku nool yihiin 217,000 oo qof, iyo xerada Kakuma ee waqooyi-galbeed Kenya, oo ay ku nool yihiin 190, 000 oo qof,waxaana dadkaasi ay u badan yihiin Soomaali,iyada oo la geeyay Ciidamo farabadan oo dhaq dhaqaaqa yareeya.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiangi ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ay tahay sidii loo yareyn lahaa faafitaanka Cudurka Coronavirus oo ilaa iyo hadda Kenya laga diiwaangeliyey 490 kiis.

Kenya ayaa horay u qaaday tallaabooyin dhowr ah oo looga hortagayo faafitaanka Cudurka COVID-19,waxaana Magaalooyinka qaar la saaray Bandow bilaabanaya 7:00 Habeenimo iyo Go’aano kale.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: