Kenya oo shaacisay inuusan ka jirin dalkeeda cudurka Ebola

Kenya oo shaacisay inuusan ka jirin dalkeeda cudurka Ebola

Dowlada Kenya ayaa ku dhowaaqday inuusan ka jirin dalkeeda cudurka Ebola kadib markii baaritaan lagu sameeyay haweeney lagu tuhmay cudurkan uu cadeeyay inaysan qabin cudurka Ebola.

Wasiirka Caafimaadka dalka Kenya Sicily Kariuki ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in haweeneyda la tuhmay aysan qabin cudurka Ebola iyo weliba cudurada kale ee dhiig baxa keena.

Haweeney 36 jir ah oo la dhigey isbitaal ku yaal magaalada Kericho ayaa lagu tuhmay inay qabto cudurka Ebolaha iyadoo ka soo laabatay safar ay ku tagtay dalka Uganda

“Wasaarada Caafimaadka waxa ay u xaqiijineysaa shacabka in aan diyaar u nahay sidii loogaga hortagi lahaa cudurka Ebola iyo tallaabooyin loogaga jawaabayo sidaa darted ma jiro wax cabsi ah,”ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay wasaarada caafimaadka dalka Kenya.

Dadka ku nool Kericho ayaa waxaa soo wajahay qalqal dhinaca caafimaadka ah iyadoo dadka ku nool deegaankaas ay wadnaha farta ku hayeen iyagoo ka baqayay in cudurka uu ku faafo magaaladaas.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com