Kenya oo ka hadashay Xildhibaano laga celiyeey garoonkeeda Nairobi

HomeWararka

Kenya oo ka hadashay Xildhibaano laga celiyeey garoonkeeda Nairobi

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay Cabashadda xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo oo loo diiday in Garoonka Jomo Kenyatta ee

Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bossaso (dhegayso)
Maxaa looga hadlayaa shirka Muqdisho uga bilaabanaya goordhow dalalka Soomalia, Ethopia, Jabuuti iyo Kneya?
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay Cabashadda xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo oo loo diiday in Garoonka Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi laga siiyo Visaha dal ku galka dalka Kenya.

Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Kenya ayaa sheegtay in dhammaan Mas’uulinta ay Safraan, islamarkaana aysan jirin Cid Viiso la’aan dooneyso in ay soo gasho dal.

“Dhammaanteen waan safarnaa anagoo fiiso wadana, sidaas darteed haddii aad fiiso la’aan safreyso aad ayey u dhib badan tahay inaad gasho dal, waana ugu adkaan doontaa” ayay tiri Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Monica

Wasiirka ayaa diiday in ay bixiso faahfaahin intaasi ka badan, waxaana ay sheegtay in go’aanka dowladda Kenya uu sidaasi yahay hadduu jiro qof doonaya dal in uu Viiso la’aan taggana la arki doono.

Magaalada Muqdisho waxaa shalay dib loogu soo celiyey Wasiir Kuxigeenka Tamarta Soomaaliya Cusmaan Libaax iyo laba Senator oo ka tirsan Aqalka Sare, kuwaasoo kala ahaa Ilyaas Cali Xasan iyo Zamzam Daahir, maadaama loo diiday in Baasabooradooda Diblomaasiga loogu dhufto Visaha dal ku galka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: