Jubbaland oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Shabaab Bisha Ramadaan

HomeWararka

Jubbaland oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Shabaab Bisha Ramadaan

Taliska qaybta 43 aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay sheegeen inay wadaan qorsho dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab,kaas oo loooga s

Xulashada Daljir & Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Cabdullaahi Jaamac Saalax: “Ma saamaxayso in xaaladdu sidan ku sii socoto … dowlad cusub waa lagamamaarmaan … xaaladaha waad ogtihiin!”
Olole Nadaafadeed oo laga bilaabay degmada Jariiban (dhegayso)

Taliska qaybta 43 aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay sheegeen inay wadaan qorsho dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab,kaas oo loooga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada Jubbooyinka.

Taliyaha Ciidanka Guutada 1aad taliska qeybta 43aad Gaashaanle Sare Maxamed Badal Xasan ayaa sheegay in ay hadda qorsheynayaan weeraro ka dhan ah Al-Shabaab inta lagu guda jiro Bisha RamadaanWaxa uu sheegay in qorshohooda uu yahay inay howlgalka bilaabaan inta uusan deegaanada Jubbooyinka ka da’in Roobka guga oo wadooyinka qaar jara,waxaana Shacabka uu ka codsaday in Ciidamada Dowladda kala Shaqeeyaan sugida Amniga.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa ku sugan deegaano badan oo ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo gedo,waxaana mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Ururka Al-Shabaab. si ay uga saaraan deegaano badan oo ay maamulaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: