
Sabti, Luuliyo 04, 2015 (Daljir) —Madaxweyne kuxigeenka Jubaland Generaal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo la hadlay warbaahinta ayaa hambalyo iyo bogaadin udiray madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar doorashada dib loogu doortay hogaaminta shanta sano ee soo socota.
Madaxweyne kuxigeenka oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca Jubaland ayaa hambalyo udiray madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo xukumadiisa cusub,wuxuuna urajeeyay in Alle ku asturo xilka culus ee mar labaad dib loogu doortay.
FAALLOOYIN & FALCELIN