Jubbaland oo amaro dul dhigtay Musharrixinta

Jubbaland oo amaro dul dhigtay Musharrixinta

Maamulka Jubbaland ayaa soo saaray Amaro ka dhan ah Musharaxiinta iyo dadka kale ee ka deganaya Garoomaddaha diyaaraddaha Magaalooyinka maamulka Jubbaland, Maadaama dhawaan uu dagaal ka dhacay Gudaha Garoonka Diyaaraddaha Magaalada Kismaayo.

Golaha Wasiiradda Jubbaland ayaa sheegay in Garoomada Diyaaraddaha magaalooyinka Jubbaland aysan dhici doonin in wax hub ah lagala soo deggo.

Golaha Wasiiradu waxaa kale oo ay dood dheer ka yeesheen xaaladaha amniga iyo sidii loo dardar galin lahaa iyadoo go’aamo la xiriira sugida amniga laga soo saaray gaar ahaan in aan hub lala gali karin garoonka diyaaradaha lagalana soo dagi karin iyadoo golahu uu hay’adaha amaanka ku amray in la adkeeyo amniga garoomada diyaaradaha.

Amarkaan ayaa yimid ka dib markii dhawaan Musharax Cabdinaasir Seerar uu hub iyo Ciidan kala degay Magaalada Kismaayo, islamarkaana ay isku dhaceen Ciidanka Jubbaland ee ku sugan Garoonka Kismaayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com