Jaamacada Bariga Afrika xarunta Buuhoodle oo lacag loogu deeqay (Sawiro + Dhegaysi)

Buuhoodle ,October 5, 2013 – Jaamacadda Bariga Afrika xarunta ay kuleedahay magaalada Buuhoodle ayaa maanta (Sabti 5-Oct-13) lasoo gaarsiiyey deeq lacageeed oo ay soo direen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.?
?
Lacagtan oo dhan $8070 (Sideen kun & todobaatan dollar) ayaa Jaaliyada Soomaalida ee gobolka Minnesota ugu tala galeen in lagu kabo adeegyada Jaamacada, sida bixinta mushaharka Professor rada wax ka dhiga Jaamacadda, & iibinta qayb kamid ah gaadiidka Jaamacadda u adeega.?
?
Sh Cabdirashii X Samatar oo ah gudoomiyaha gudiga board ka ee Jaamacadda Buuhoodle ayaa sheegay in lacagtan ay ku deeqeen Jaaliyadda Soomaalida ee Minnesota iyadoo ay kasoo aruuriyeen Jaamac Xasan Cabdi (Jaamac Ingiriis) & Taani Axmed Yuusuf (Eng Taani Axmed Wali) .
?
?Waxaan ka codsanayaa Jaaliyadaha kale gaar ahaan dadka u dhashay goboladan inay soo taageeraan Jaamacadda,? ayuu yiri Sh Cabdirashiid X Samatar.
?
Dr Cabdishaafi Axmed Cali hormuudka Jaamacadda Bariga Afrika ee Buuhoodle ayaa sheegay in lacagtan lagu maarayn doono bixinta Mushaharka qaar kamid ah macalimiinta Jaamacadda & baabuur Bas ah oo Jaamacadda loo gaday.
?
Caaqil Cabdisamed Cali Xasan oo ka hadlay munaasibadan lagu wareejinayey deeqdan lacagta ah ayaa dhankiisa kula dardaarmay dadka u dhashay goboladan & Soomaalida horumarka jecel inay sii wadaan korna u qaadaan taageerada noocan ah.
?
Ugu danbayn waxaa halkaasi ka hadlay Suldaan Siciid Cismaan Cali oo kamid ah Isimadda gobolka Cayn, Waxaana Suldaanku duco ujeediyey dhamaan dadkii wax ka bixiyey deeqdan lacagta ah ee maanta Jaamacada lasoo gaarsiiyey.
?
Halkan ka Dhegayso Warbixinta Jaamacadda?
?
Jaamacadda Bariga Afrika oo Buuhoodle laga hirgeliyey sanadkii hore ayaa xiligan ku talaabsatay horumar dhanka tacliinta ah iyadoo la keenay macalimiin kala duwan oo ka yimid dalka & dibadaba, Jaamacadda ayaa loo hirgeliyey dhisme ay ku shaqayn doonto kaasoo ay qaybta ugu muhiimsan qaateen Jaaliyadaha dibada ee kasoo jeeda gobolka.
?
Diiwaanka Wararka?
Radio Daljir
Buuhoodle
?
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
\"\"
?
\"\"
?
\"\"

Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com