Itoobiya oo weli baaraysa 5 qof oo ku eedaysan in ay ku lug leeyihiin weerar hore oo la fashiliyey

Adis Ababa, December 20, 2013 – Hay?adaha booliska iyo kuwa sirdonka ee dalka Itoobiya ayaa shaacisay inay qabteen shan ruux oo xiriir la leh kooxda Al-shabaab, kuwaas oo abaabulayey inay weeraro ka dhacaan magaalada Adis Ababa.

War-bixin wadajir ah oo ay soo saareen booliska iyo hay?adda sirdoonka ee NISS ee dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in shanta qof ay baaritaano ku socdaan, kadib markii lagu qabtay iyagoo wata Bam gacmeed ay doonayeen inay weerar ku fuliyaan.

Shanta ruux ee xiran ayaa doonayey inay qayb ka noqdaan weerar lagu qaadi lahaa ciyaar dhexmaraysay Itoobiya iyo Nigeria bishii October ee ina dhaaftay, xiligaas oo Adis Ababa? uu ka dhacay qarax ay farsamaynayeen labba Soomaali ah oo degan xaafada Bolle ee Adis Ababa.

Qaraxaas ayaa lala damacsanaa ciyaarta dhacaysay, sida lagu sheegay war-bixin xiligaas laga baahiyey Television-ka itoobiya.

Sirdoonka Itoobiya waxay xuseen in ragga Bambku ku qarxay ay damacsanaayeen inay bambka ku xiraan meelaha ugu badan dadku isugu tegayo gudaha garoonka ciyaartu ka socoto, kadibna ay weerarka fuliyaan.

Shanta ruux ee xiran ayaa xiriir la leh kuwii bambku ku qarxay oo ku eedaysan Al-shabaab, boolisku waxay sheegeen inay xog dheer oo la xiriirta bambka qarxay iyo qorshaha laga damacsanaa ay ka heleen shanta ruux ee la qabtay.

Amaanka Itoobiya ayaa aad loo adkeeyey xiliga ciyaarta iyaga iyo Nigeria ay dhacaysay.

Itoobiya ma aysan sheegin xiliga ay si rasmi ah dadkan u qabtay, balse waxaa la xusay oo keliya in loo hayo weerar lala damacsanaa in lagu qaado ciyaartaas oo fashilmay October.

Kooxda Al-shabaab ayaa dhowr jeer ku celcelisay inay weeraro ka fulin doonto dalalka deriska ah ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo ay Itoobiya safka hore kaga jirto, Itoobiya ciidankeeda ayaa jooga gudaha Soomaaliya dhowr sano waxayna kooxda ka qabsadeen deegaano muhiim ah.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com