HomeUncategorized

Islaamiyiinta oo dib u qabsaday goobihii shalay laga qabsadey ee magaalada Muqdisho. [Akhris …]

Muqdisho, July 13 - Goobihii shaley ay ka qabsadeen ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM Malleeshiyaadka Jabhadaha AL Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa ma

Col Xasan Maxamed Nuur (Shaat-gaduud) oo ku geeriyoodey dalka Jarmalka.(Dhegayso)
Ciidamada Jubba oo Kismaayo ku qabtay rag haysta baasabooro British oo lagu tuhmay Al-shabaab
(DHAGEYSO) Barnaamijka Tartan & Tacliin ee Radio Daljir

Muqdisho, July 13 – Goobihii shaley ay ka qabsadeen ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM Malleeshiyaadka Jabhadaha AL Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa maanta waxaa ku sugan kooxaha Mucaaradka ee Al Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Sidoo kale deegaannada ay soo gaareen kooxaha Mucaaradka ayaa waxaa laga maqlayaa dhawaqa Rasaas goos goos ah oo ka dhacaysey jihooyin kala duwan, iyada oo aysan xilligan jirin wax dagaallo fool ka fool ah oo jira.

Maqribnimadii shaley ayaa ay sheegeen dad ku dhaqaan xaafadha u dhaw dhaw Hotel Global in ay isaga guureen ciidamadii dawladda ee halkaas soo gaarey waxaana markii soo gaarey Malleeshiyaadka AL Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Afhayeenka Al Shabaab SH Cali Dheere oo saxaafadda kula hadley magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu dhinaca kalena uu sheegey in ay baddaleen habkii ay u dagaallami jireen kooxdaasi kaddib markii shaley ay dagaalka ay soo galeen ciidamada AMISOM.

Waxaana uu sheegey in ay sii wadayaan dagaalka tan iyo inta ay ka saarayaan magalada Muqdisho ciidamada uu uga yeerey Ajaaniibta iyo dawladda FKMG.

Dhinacakalena waxaa lagu arki karaa deegaannadii shaley iyo dorraad ay dagaalladu ka dhaceen meydadka kooxaha iska soo horjeeda oo qaarkood la bireeyey halka qaarka kalena jirkooda ay ku yaalliin rasaas, mana jirto illaa iyo iminka cid isu xilsaartey aaska meydadkaas marka laga reebo meydad yiilley deegaannada Kaaran iyo Cabdulcasiis oo ay dadka deegaanka astureen.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: