Isku-dhacyo hubaysan oo dhimasho iyo dhaawac dhaliyey oo ka dhacay deegaanno gobolka Mudug ah

Isku-dhacyo hubaysan oo dhimasho iyo dhaawac dhaliyey oo ka dhacay deegaanno gobolka Mudug ah

Inta la xaqiijiyey illaa shan ruux ayaa dhimatay, in ka badan 5 kalena waa dhaawacmeen kaddib markii mellayshiyaan hubaysan oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ay ku dirireen deegaanno miyi ah oo ka tirsan degmada Jarriiban ee gobolka Mudug.

Inkasta oo xiriiro uu Radio Daljir la sameeyey dhinacyada dirirtu dhexmartay ay ka gaabsadeen in ay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay isku dhacyadaasi, misna warar madax bannaan uu uu helay Radio Daljir ayaa sheegaya jiritaan dhimasho iyo dhaawacba.

Isku-dhacydaan ayaa ah ku salka ku arrimo qabiil iyo shaxeexaysi deegaan, waxayna ahaayeen kuwo soo laalaabanayey bilihii ugu dambeeyey, welina aan u muuqan in la gaaray xal-u-heliddooda.

Taliyaha qaybta bilayska ee gobolka Mudug ee Puntland Aadan Nuur Qaal ayaa wareysi uu siiyey Radio Daljir ugu xaqiijiyey jiritaanka isku-dhacyadaasi oo gelinkii hore ee maalinkii Axadda, wuxuuse ka gaabsaday in uu sheego tirada rasmiga ah dhimasho ama dhaawac.

Jaamaal Faarax Aadan ayuuna u warramay.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com