HomeUncategorized

Isimada Bay iyo Bakool oo dhaleeceeyey dil xalay Baydhabo loogu geystay nabbadoon (Dhegeyso)

Baydhabo, September 4, 2013 - Kooxo hubaysan ayaa xalayto ku dilay magaalada Baydhabo nabbadoon caan ah oo ku jiray gollaha sare ee isimada Digil iyo Mirifle, ama gobollada Bay iyo Bakool.

Ururka suxufiyiinta Somaliyeed ee NUSUJ oo doortay hoggaan cusub.
Dowladda Puntland oo Guddi u saartay Qaraxii lala Eegtay Shaqaalaha QM
Barnaamij gaar ah oo ku saabsan wada xaajood nabadeed oo togga Meygaagle uga furmay 2 ardaa oo ku dagaalamay Kalshaale.

Baydhabo, September 4, 2013 – Kooxo hubaysan ayaa xalayto ku dilay magaalada Baydhabo nabbadoon caan ah oo ku jiray gollaha sare ee isimada Digil iyo Mirifle, ama gobollada Bay iyo Bakool.

Malaaq Yuusuf Cali sheikh oo 76 sano jir ah ayaa kooxo hubaysan dileen saaladii cishe kadib, Marxuumka ayaa ka soo baxay Masaajidka kuna sii jeeday gurrigiisa.

Wararka aan ka helayno magaalada Baydhabo ee xaruunta gobolka Bay, waxay sheegayaan in ay nabadoonka dileen labba nin oo baastoolado ku hubaysan, kuwaas oo goobta ka cararay.

Nabbadoon Yuusuf Cali Sheikh ayaa sidoo kale wuxuu ahaa mu?adin Masaajid ku yaala Baydhabo, haatan waxaa Baydhabo ka socda baaritaano dheeraad ah oo dilkaas la xiriira.

Malaaq Cabdulaahi Cali Shiino oo ka mid ah cuqaasha Bay iyo Bakool ayaa la hadlay Radio Daljir, wuxuuna ka warbixiyey sida ay wax u socdaan iyo dilka loo geystay nabbadoonka, sidoo kale wuxuu ka hadlay taariikhdiisa.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: