HomeUncategorized

Indheergaradka Galkacyo oo booqday dhaawaca Kalshaale, una gudbiyey agab daryeel.

Galkacyo, Feb 10 - Xubno ka mid ah indheergaradka, siyaasiyiinta, saraakiil ciidan, iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa booqday raggi

Mudane ka tirsan baarlamaanka Puntland oo lagu dilay Garowe.
DHEGEYSO-Ciidanka DFS iyo Galmudug oo lasaftay mid kamid dhinacyada ku diriraya Dhabad.
Boqor Burhaan Boqor Muuse oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalda Muqdisho

Galkacyo, Feb 10 – Xubno ka mid ah indheergaradka, siyaasiyiinta, saraakiil ciidan, iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa booqday raggii ku soo dhaawacmay dagaalladii ka dhacay balliga Kalshaale ee gobolka Cayn.

Xubnaha booqday dadka dhaawaca ah ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Cali Yusuf ‘Gaagaab’, Dr. Bashir Cali Biixi, Gen. C/llahi Cali Mire ‘Carays’, Xil. Siciido Geelle Diriye, iyo xubno kale oo ka mid ah indheergaradaka gobolka Mudug.

Xubnaha indheergaradka ayaa la kulmay dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha caafimaad ee cisbtaalka Galkacyo, kana xog waraystay heerarka caafimaad ee dhaawaca; waxaa sidoo kale ay la kulmeen ragga dhaawaca ah, una kuurgaleen daryeelka caafimaad ee ay helaan, iyo baahidooda guud ee caafimaad iyo nololeed. Agab dhaqaale ayaa ay gudoonsiiyeen dhaawaca, una ballanqaadeen in ay kaalintooda ka qaadan doonaan daryeelooda inta ay ka bogsanayaan.

Shacabka magaalada Galkacyo ayaa u gurmaday dhaawaca, xilna iska saaray daryeelkooda tan iyo markii la keenay Galkacyo 8-dii bishan.

Issimada & nabadoonada gobolka Mudug ayaa ugu baaqay shacabka iyo ganacasatada gobolku in ay xil gaar ah iska saaraan daryeelka dhaawaca.

Dhaawaca oo tiro ahaa gaaraya 19 qof ayaa la keenay Galkacyo 2 maalmood ka hor kadib dagaal khasaare lixaad leh gaytay oo balliga Kalshaale ku dhex maray ciidamo beeleedka gobolka Cayn iyo ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Cayn.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: