Ilhan Cumar oo ka hadashay khilaafka kala dhaxeeya Madaxweynaha Maraykanka

Ilhan Cumar oo ka hadashay khilaafka kala dhaxeeya Madaxweynaha Maraykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo kulan la qaadatay Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ayaa ka hadashay arrimo kala duwan oo ka mid ah dagaalka kala dhaxeeya Donald Trump iyo duqeymaha Mareykanka uu ka geysto Soomaaliya.

Ilhaan Cumar ayaa ugu baaqday Soomaalidii ay la kulantay inay sameystaan Guddi kala hadla dowladda Mareykanka khasaaraha shacabka ka soo gaara duqeymaha cirka ah ee uu Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya.

Waxaa ay sheegtay in Madaxweynihii 44-aad ee dalka Mareykanka Barack Obama uu ahaa ruuxii laba jibaaray weerarda dhinaca Cirka ah ee Drones-ka ay ka geystaan Soomaaliya, kuwaasoo khasaare xooggan ay ka soo gaaraan Shacabka, iyadoo aan cidna wax iska weydiin.

“Waagii Obama uu joogay Somaliya waxaa ka bilaabmay Barnaamij Tiknoolojiyad ahaan lagula dagaalamayay dadka argagixada suubiya, sida Shabaab oo kale, waxaan soo ogaanay in dadka qaarkood ku dhimanaayo aysan eheyen dad argagixiso wada ama la shaqeeyo, ay yihiin dad masaakiin ah oo danbi aan galin, waxaan go’aan ku gaarnay in aan sii daba galno, dadka masaakiinta ee ku dhintayna loo siin lahaa lacago” ayey tiri Ilhaan Cumar.

Ilhaan Cumar ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday dagaalka dhinaca Afka ah ee kala dhexeeya Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, waxaana ay sheegtay inuu madaxweynaha ka soo horjeedo muslimiinta iyo dadka madowga ah ee ka soo muuqday xilalka sare ee dalka Mareykanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com