Hub urursi ka dhan ah riyada badda ee Itoobiya oo ka bilowday Saylac iyo degaanada ku xeeran

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Hub urursi ka dhan ah riyada badda ee Itoobiya oo ka bilowday Saylac iyo degaanada ku xeeran

Hub urursi ayaa ka bilowday degaanada Saylac iyo dhulka ku xeeran ee ay degto beelaha Ciise iyo Samaroon, halkaas oo Maamulka Muuse Biixi iyo Dowladda

Isbaddalka Geeska Afrika: Faa’iidada Eriteriya iyo khasaaraha Djibouti (dhegayso)
Faarax M ‘Laga-Gardaranyahay’ Guddoomiyaha Shidan oo sheegay in Shidan & Qaddariya reer ku soo duulay
TOP SECRET: Yaa dilay AUN Madaxweyne Cabdirashid Cali Sharmarke, Mareykanku se muxuu ka ogaa?

Hub urursi ayaa ka bilowday degaanada Saylac iyo dhulka ku xeeran ee ay degto beelaha Ciise iyo Samaroon, halkaas oo Maamulka Muuse Biixi iyo Dowladda Itoobiya ay isku qabanqaabinayaan in laga dhagaxdhigo saldhig ciidamada badda ee Itoobiya ay leeyihiin, iyadoo dhawaan diidmo weyn guud ahaan shacabka Somaliland ay kaga horyimaaddeen qorshahaas, tiiyoo dowladda Soomaaliyana ay sheegtay in marnaba aanay aqbali doonin oo ay xadgudub ku tahay madaxbannaanida daleed ee dowladda Soomaaliya.

Warar ay Daljir heleyso ayaa sheegaya in ay Saylac tageen qaar ka mid ah saraakiil ciidan oo ka kala socda labada dhinac ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, kuwaas oo la sheegey inay sahaminayeen halka ugu habboon ee ay Itoobiya damacadeeda badeed kula dul habsanayso, balse odayaal ay Daljir la hadashay oo xilligan ka gaabsaday in aan magacooda sheegno ayaa sheegey in duqayti ka kala socda degaannada beesha Ciise ee Soomaaliya, Jabuuti, iyo Itoobiya ay isla garteen in dhaqdhaqaaq ciidan iyo is-hubayn laga bilaabo degaannadaas si ay dagaal ugu beeniyaan riyada Addis Ababa ee qaadashada dhulbadeedka Soomaaliyeed ee Saylac.

‘‘Illaa dhowr boqol oo dhalinyaro ah oo hubaysan ayaan hadda diyaarinay, waxana lagu wadaa in ay maalmo kummannaan ku noqdaan, una diyaar garoobaan jihaad dhab ah,’’ ayuu yiri mid kamid ah odayaasha Saylac oo ay Daljir la xiriirtay.

Duqay kale oo ku sugan isla Saylac ayaa iyaguna ugu baaqay cid kasta oo damiir Soomaalinimo ay ku jirto in ay ka hortagto damaca gurracan ee Itoobiya.

‘‘dal iyo dad ayaa Soomaali uga maqan Itoobiya, oo qabiil kasta oo Soomaali ah leh, mana aqbalayno annagoo arkayna dadkayagii hore oo la gumaysanayo in aan dal iyo dad kale ugu darno, Muuse Biixina ma aha nin rajo Soomaalinimo ay ku danbayso, mana yeeleyno in uu na xaraasho, taas dhimasho ayaan ka xignaa,’’ ayuu Daljir u sheegey oday kale oo ka mid ah duqayda degaanka Xariirad ee gobolka Awdal.

Dhawaan ayay ahayd markii uu iscasilay wasiirkii gaashaandhigga ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo ka soojeeda degaanka Saylac, isla markaana uu sheegey in uu qoonsaday waxa sida hordhaca ah loogu sheegey Isfaham (MoU) dhex maray Itoobiya iyo Somaliland, taasoo uu ku tilmaamay damac khaldan oo ay Itoobiya ugu soo haliilayso helidda dhul badeedkaas muhimka ah, waxana uu ku tilmaamany Itoobiya inay tahay cadaw soojireen ah oo ay ummadda Soomaaliyeed leedahay.

Hoggaanka Muuse Biixi oo la kulmaya guuldarrooyin isdabayaalla ayaa dhankiisa qaadaya tallaabooyin ismiidaan ah, kuwaas oo muujinaya in uu cagta saaray waddadii gabbal-dhaca.

Diiwaanka wararka Daljir

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: